Deni oo kusoo hungoobay booqashadii Hoyga Boqorka iyo Isimada Bari

Kulankii Deni iyo Isimada Bari ee Saakay,waxuu kusoo idlaaday fashil.

Ujeedka ugu weyn ee ugu tagey Isimada waxay ahayd in uu dhoolatus udhigo Aaran-shaydaan.

Isimadu way fahansanaayeen in uusan ugu imaan xurmo iyo wanaag uu uhayo ee ay ka tahay igu sawir ku socota Garowe Ragga uga furtay inqilaabka uusan Dhiigu ku daadan.

Hadalka isagaa furay,waxuuna uga waramay Isimada xaalka Dalka iyo Dimuqraadiyada,gaar ahaan dhacdooyinkii ugu danbeeyay ee Garowe ka dhacay.

Boqor Burhaan,ayaa ugu jawaab celiyay waxa kale hanoo danbeeyaan,waxaan kaa rabnaa in aad fuliso hadeer Labadii Qodob ee kala ahaa..

B.Qoondadii horumarinta Bosaso ee Dekeda.

T.Dhaqaalihii loo xukumay Dadkii waxyeeladu kasoo gaartay dagaalkii Bosaso.

Intaas markuu Boqorku yiri,ayuu isgalay Deni oo aamusay.

Kadib Isimadii kale,ayaa soo dhexgalay oo ku yiri bal gaar isku waraysta.

Xoogaa cabaar ah kadib markay Isimadii kale kusoo laabteen oo ay waxyar wada fadhiyeen,ayuu Boqorku markale ku ceshay Labadii Qodob,waa kaa sugaynaa,sidaas,ayuuna kusoo anba baxay,isagoo caraysan.

Hadafkiisa ugu weyn,waxuu ahaa in uu umuujiyo Maxamuud Shido in uu haysto garabka reer Barigii horay lookala dilay.

Deni waa Marxuumka Siyaasada 2023.!!

Jibril Qoobey.