Diiwaangelintii Cod bixiyayaasha Doorashooyinka PL Garowe ayay ku God gashay

Diiwaangelintii Garowe,waxaa lagu fashiliyay si fudud oo aan Dhiig ku daadan.

Qorshaha lagu baajiyay Diiwaangelinta,waxaa abaabulay Aaran-shaydaan,iyagoo garab ka helaya Urur ka mid ah Ciidamada Puntland ee Kumaandooska ah.

Markii laga soo tago garabka Aaran iyo Ciidamada taabacsanaa,waxa iyaguna fududeeyay fashilinta Diiwaangelinta Ciidamadii galbinayay iyo masuuliyiintii Dowlada.

Si hoose,ayaa loo wada hadlay,waxaana lagu ballamay in aan laysku dhiban oo lakala war wareego,waxaana kor loo ridayay Xabadaha lays dhaafsanayay.

Laba Qodob,ayaa laga bartay khal-khalgelintii Diiwaangelinta ee Garowe…

1.Madaxweyne Deni cid Dowladiisa ka mid ah oo daacad u ah una haysa rabitaan in aysan jirin.

2.Beesha Ciise Maxamuud Shacab iyo haldoor saamaynta ugu weyn,waxaa ku leh Aaran-shaydaan oo waxaa ugadmay Erayga ah “Dan Ciise Maxamuud baan wadnaa”.

Garowe inqilaab aan Dhiig ku daadan oo laga dhex adeegtay Dowladii Deni,ayaa lagula wareegay.

Si kale hadii loo dhigo Diiwaangelintii waxay ku geeriyootay Garowe.

Jibril Qoobey.