Maamulka Muuse Biixi oo ku dhaleeceeyay Beesha caalamka diidmada xasuuqa Shacabka Laascaanood

Maamulka cunsuriga ah ee Muuse Biixi,waxuu markale ku celiyay in ay argsgixiso ka hawlgasho Laascaanood.

Beesha caalamka,ayuu Maamulka Muuse Biixi ku dhaleeceeyay go’aamada ay ka qaadatay colaada Laascaanood.

Argagixiso in aysan joogin Laascaanood,waxaa xaqiijiyay Garaadada Gobolka Sool.

Ururka argagixisada ah ee Alshabaab,ayaa dhankiisa ka sheegay in uusan shaqo ku lahayn dagaalka Laascaanood.

Dagaalku in uu yahay mid xasuuq Shacab ah,waxaa cadaysay Beesha caalamka oo Maraykanku ugu horeeyo.

PSF way ka daba tagtay eedaynta Somaliland ee ah in ay dagaalka qayb ka yihiin,waana ku qanciyeen caalamka in aysan dagaalka ku jirin.

Argagixisada Geeska ka hawlgasha baritaarka ugu weyn waxay ka heshaa Maamulka Somaliland.

Sida muuqata waa looga adkaaday dagaslka Diblomaasiyadeed Maamulka Muuse Biixi,doodiisa argagixisadana waa madhalays aan gadmayn.

Halkan ka akhriso:-

Jibril Qoobey.