Maxay ahaayeen Qodobadii kasoo baxay Shirkii Amniga Gobolka Bari Ee Deni Shir Gudoominayay

Qodobada kasoo baxay Shirka Amniga Gobolka Bari oo uu Shir gudoominayay Madaxweyne Deni,waxay ku qotomaan Shan Qodob oo kala ah…

1.Boor isku qarin lagu baabi’inayo Waji-gabixii kasoo raacay Deni kulankii Boqorka iyo isimada kale.

2.Banaysashada Dhulka Dowlada oo Den dan gaar ah ka leeyahay.

3.Baalayaasha Korontada in qaybo badan oo ka mid ah la baneeyo si Shirkada Korontada Deni ee dhawaan hawlgalaysa fursad uhesho.

4.Biilasha Korontada oo la saaray Hal Dolar Guri walba,waxaa lagu fashilinayaa qoondada Dekeda ee horumarinta Bosaso ee Isimadu soo jeediyeen.

5.Banaynta Dhulka Dowlada oo la rabo in lagu xaaqo Guryaha Gol Ciise oo ay leeyihiin Aagoonta Ciidankii difaaceeda unaf waayay.

Macnaha rasmiga ah ee kulankii amniga Gobolka Bari oo uu Shir gudoominayay Madaxweyne Deni waa intaas.

Deni waa Marxuumka Siyaasada 2023.!!

Jibril Qoobey.