Xabbad joojintii Muuse Biixi oo beenowday iyo Dagaalkii Laascaanood oo Meeshiisii kasii socda

Dagaalka u dhexeeya Dadka Deegaanka iyo Malleeshiyada Muuse Biixi,ayaa saaka galay maalintii Lixaad.

Ma dhaqangelin Xabbad-joojin uu xalay iskiis ugu dhawaaqay Maamulka Muuse Biixi.

Dagaalka,ayaa saaka weli ka socda bannaanka magaalada iyadoo la soo sheegayo khasaaro ka dhashay.

Mid kamida Dhakhaatiirta isbitaalka Gargaar ee Magaalada Laascanood,ayaa laguso warramayaa in uu geeriyooday kaddib markii rasaastu ay ugu tagtay isbitaalka isagoo howlo daweyn mutadawac nimo ah ku guda jira.

Sidoo kale Maleeshiyada Muuse Biixi,ayaa Madaafiic kusoo garaacaya Magaalada.

Madaafiicda,ayaa ku dhacay Guryo Shacab,waxaana ka dhashay khasaare Naf iyo Maalba leh.

Guryaha lagu garaacay Madaafiicda,waxaa ka mid ah Guriga Garaad Jaamac Garaad Cali,inkastoo cid aysan waxba ku noqon.

Wararkii ugu danbeeyay ee Laascaanood,ayas sheegaya in Ciidamada Deegaanka ay burburiyeen Taliskii Daray-Madoobe ee Maleeshiyada Muuse Biixi kaasoo ku yaalay duleedka Magaalada.

Garaadada Sool,ayaa isla Xalayba ku dooday in ku dhawaaqista Xabad joojinta ee Maamulka Muuse Biixi ay tahay hoosaasin been guur ah oo ayba Beri qorshaynayaan weerar xoog badan.