Maalinkii Todobaad oo uu socdo halganka xoraynta Laascaanood

Dagaalka u dhexeeya Ciidamada Deegaanka iyo Milleteriga Somaliland ee ka socda Magaalada Laascaanood,ayaa galay maalintiisii Toddobaad.

Sida caadada unoqotay Todobaadkii udanbeeyay Dadka Magaalada,ayaa ku waabariistay dhawaaqa Hubka kala duwan ee la’isku adeegsanayo.

Dagaalka,ayaa weli ka socda bannaanka Magaalada,iyadoo la soo sheegayo khasaare ka dhashay.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka,balse waxaa jira Madaafiic ay Guryaha Shacabka iyo goobaha Caafimaadka kusoo tuurayaan Ciidamada Maamulka Somaliland.