Maraykanka oo joojiyay Dhoolatus uu ku samayn lahaa Berbera

Dowladda Maraykanka,ayaa joojisay Dhoolatus Millateri oo ay ka samayn lahayd Berbera 15-bishan Feb.

Dhoolatuskan,waxaa ka qaybgeli lahaa Dalal badan sababaha ay ku joojiyeen ayey ku sheegeen xaaladaha Amni xumo ee soo wajahay Gobollada Waqooyi Somaliya.

Maraykanku wuxuu sheegay in ay si dhow ula soconayaan xaaladda Amni ee Gobolladan.

”We regret to announce that the military exercise planned to be held in Berbera has been cancelled due to security threats and instability in the area. The safety of our personnel and the public remains our top priority, and we will continue to monitor the situation closely.”

”Waxa aanu ka xunahay in aanu shaacino in dhoolatuskii Ciidan ee la qorsheeyay in lagu qabto magaalada Berbera uu baaqday sababo la xiriira khalkhal amni iyo xasilooni daro ka jirta deegaanka,Badbaadada shaqaalaheenna iyo shacabka,ayaa weli ah mudnaantayada koowaad,waxaanan sii wadi doonnaa inaan si dhow ula soconno xaaladda.”

Waa waxa ugu yar ee ay Somaliland ku wayday xasuuqa Shacabka Laascaanood.

Jibril Qoobey.