Halkee maraysaa shaqada Ballaarinta Dekedda Boosaaso ? (VIDEO)

Waxaa si habsami leh u soconaya mashruuca ballaarinta iyo dib-u-dhiska Dekedda magaalada Boosaaso, oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn oo ay heysato Puntland. Diyaarinta jidka ay marayaan wiishashka ka shaqeynaya ballaarinta dekedda ayaa hada gacanta lagu hayaa.

Dhismaha Dekedda oo dhowaan la daahfuray kadib markii lagu wareejiyay shirkadda DP World, waxaana qorshuhu yahay in marka lasoo gabagabeeyo shaqada socota ee ballaarinta ah ay dekeddu awood u yeelato inay kusoo xirtaan maraakiibta waa weyn.

Wasiirka Dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in shaqada ballaarinta iyo dib-u-dhiska Dekedda Boosaaso lasoo gabagabeyn doono bisha December, ee sanadka 2023, wixii intaa ka dambeeyana ay kordhaysa shaqada dhoofinta iyo soo dajinta ee Dekedda Boosaaso.

IDILNEWS