Madaxweyne Deni oo ku wajahan gobalka Gardafuu, dhagax-dhiga saldhiga Milateri ee Imaaraadka.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni ayaa ku wajahan deegaano katirsan goballada Bari iyo Gardafuu ee cirifka Puntland. Siciid Deni ayaa safarkiisa u adeegsan doona diyaarad gaar ah.

Deegaannada Gardafuu ee Madaxweyne Deni booqan doona ayaa waxaa kamid ah degmada Caluula, halka uu sidoo kale tagi doono degmada Xafuun iyo deegaanka Hurdiya ee gobalka Bari, ilaalada Madaxweynaha iyo gaadiidkiisa ayaa safar dhulka ugu socdaalay deegaanadaas, si ay uga hormaraan.

Ujeedada safarka Deni ee gobalka Gardafuu ayaa la sheegay in uu la xiriiro dhagax-dhiga saldhig ciidan oo Imaaraatka Carabta laga siiyay agagaarka degmada Caluula, kaas oo qandaraaska dhismihiisa ay qaateen qoyska Madaxweyne Deni.

Marinka caalamiga ah ee Raas-caseyr ayaa ku yaalla gobalka oo magac ahaanba (Gardafuu) loogu bixiyay raasiga, waana mid kamid ah meelaha ugu istiraajisan ee gobalka Geeska Africa. in loo saxiixo Imaaraadka Carabta saldhig milateri oo ku yeelanayo gobalkan ayaa ka dhigan hardan cusub oo ka bilaabanaya gobalka.

Mashruuca oo la qiyaasayo in bilowgiisa uu ku kaco ilaa 60 milyan oo dollar, ayaa saxiixiisa lagu kala qaadan doonaa in ka badan 7 milyan oo dollar, taas oo ah faa’idada kowaad ee Siciid Deni ka rajeynayo dhismaha saldhigan. Waxaana u xigi doona in shirkadda ka shaqeyn doonta hirgelinta mashruucan ay ka qaadan doonaan qoyskiisa, si lamid ah mashaariicda hormarinta garoonka diyaaradaha iyo Dekedda Boosaaso.

IDILNEWS