Madaxweyne Deni oo ku wareejinaya Marin Biyoodka Raas-casayr Dowlada Imaaraadka

Madaxweyne Deni oo heshiis qarsoodiya ugu wareejinaya Marin Biyoodka Raascasayr ee Gardafuu Dowlada Imaarasdka Carabta .

Deni,waxuu qaadanayaa Diyaarad gaar ah oo ku marayo Deegaan Xeebeedyada kala ah..

1.Xaafuun
2.Hurdiya
3.Caluula

Waxaa dhulka maray Ciidamadiisii ilaalada gaarka ahayd.

Maanta oo Arbaca ah,ayaa la filayaa in uu gaaro Deegamadaas uu ku raadgadanayo,balse ujeedkiisa ugu weyn ee tagidiisa Deegamaada Xeebaha uu yahay Dhagax-dhiga Saldhig Melleteri oo Imaaraadka laga siinayo halkaas.

Raas-caseyr oo ku yaal Gardafuu oo ah marin Biyood muhiim ah,ayaa lagu wareejinayaa Imaaraadka.

Saldhigaas,ayaa ku kacaya Sanadkii 57-Milyan oo dolar,iyadoo Saxiixiisana lagu kala qaadanayo 7-Milyan oo dolar,sida wararku sheegayaan.

Imaaraadka,ayaa horay ugu lahaa Saldhig Badeed Jasiirada Suqadara,waxayna noqonaysaa fariisin Labaad oo muhiim ah hadii Gacantiisa ay soo gasho Raas Gardafuu oo ah marin Biyood aad muhiim u ah,iyadoo Imaaraadku maamuli doono dhamaan Khadadka Maraakiibta mara Baddaas.

Madaxweyne Deni,ayaa qaatay Mashruucan sidii kuwii ka horeeyay ee Garoonka,Dekeda iyo Garoonka Kubada Cagta Bosaso.

Jibril Qoobey.