Maraykanka oo la ogaaday in uu isticmaalka Buufinka Basaaska ah kaga horeeyay Shiinaha

Dowladda Maraykanka,ayaa si adag u diiday eedaha uga yimi dalka Shiinaha ee ku saabsan, in Maraykanku uu sannadkii hore dul mariyey hawada dalkaas, in ka badan 10 buufimood oo ah kuwa wax basaasa oo ku duulaya joog aad u sarreeya.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo xiisadda labada dal ay meel sare marayso, ka dib markii ay ciidamada Maraykanku ay soo rideen boofin ka timi dalka Shiinaha oo soo gashay hawada Maraykanka.

Afhayeenka golaha amniga qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby ayaa u sheegay telefishanka MSNBC “inaanay run ahayn eedaha ka yimi Shiinuhu, isla markaana aanu Maraykanku dul marin wax buufimo ah”

Shiinaha ayaa qirtay in mid ka mida buufimahoodu inay muddo sideed maalmood ah, dul heehaabaysay hawada dalka Maraykanka, ka hor intii aanay soo ridin, diyaaradaha dagaalka ee Maraykanku bishii February 4-teedii.

Bejieng ayaa ku doodaysa buufimada lagu arkay hawada Maraykanku inay ahayd mid loo isticmaalayey dhinaca saadaasha hawada, hase ahaatee laamaha ammaanka ee Maraykanka ayaa iyagu qaba in aaladdan loo isticmaalayey basaasnimo.

VOA.