Mashruuca ballaarinta Dekeda Bosaso oo loosoo jeedinayo dhaliilo waa weyn

Dhaliilo waa weyn,ayaa loosoo jeedinayaa hab dhismeedka uu ku bilowday Mashruuca Balaarinta Dekeda Bosaso.

“Waxay ahayd in lagu bilaabo Dhagax marka ugu horaysa,kadibna Shubka lagu xijiyo”Ayuu yiri mid ka mid ah Ragga Gacanta ku haya Shaqada.

Dhaliishu waa in aysan Shirkada wax dhisaysaa sidii loogu talagalay uwadin dhismaha oo waxeedu yihiin iga gaarsii berri wax kasoo noqon doonaan.

“Waxba kama duwana Ciidii Ganacsatadu ku badbadiyeen Doontii Xamuulkasiday ee ku soo caariday Dekada dhinaceeda Shan Sano ka hor”Sida ay qabaan Ganacsatada Bosaso qaar ka mid ah.

Waxaa kaloo la dhaliilayaa Shirkada la siiyay Qandaraaska khibradeeda Shaqo.

Wal-walka jira waa in Ciidan lagu shubayo Badda ay uguurto dhanka hada shaqaynaya ee Doonyaha iyo Maraakiibtu kusoo xirtaan ee Dekeda.

Jibril Qoobey.