VIDEO: Somaliland oo ku eedeysay Puntland inay dagaalka Laascaano kaga jirto daaha dabadiisa

Afhayeen Ciidanka Somaliland, Cabdiraxmaan Dheere ayaa ku eedeeyay Puntland in ay daaha dabadiisa kaga jirto dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidamada deegaannada SSC.

Isagoo saxaafadda la hadlaya, ayuu Cabdirxamaan Dheere sheegay in ciidamo katirsan Puntland ay qeyb ka yihiin dagaalka, sidoo kalena ay taakuleyn siinayso ciidamada SSC ee dagaalka saraakiisha badan ay ku weyday Somaliland kula jira.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Dheere ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dumiso guryaha Laascaanood, xilli si guud loo wada ogyahay in maamulka Somaliland uu madaafiic aan loo meel dayin ku gaaracayo maalintii sagaalaad magaalada.

IDILNEWS