Madaxweyne Deni oo gaaray Caluula + Sawirro

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay Degmada Caluula ee Gobolka Gardafuu, halkaasi oo Madaxweynuhu ku tegay safar shaqo.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka Diyaaradaha ee Caluula kusoo dhoweeyay, Xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Maamulka Gobolka Gardafuu, kan Degmada Caluula iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caluula.

Ujeedada safarka Deni ee gobalka Gardafuu ayaa la sheegay in uu la xiriiro dhagax-dhiga saldhig ciidan oo Imaaraatka Carabta laga siiyay agagaarka degmada Caluula, kaas oo qandaraaska dhismihiisa ay qaateen qoyska Madaxweyne Deni.

Marinka caalamiga ah ee Raas-caseyr ayaa ku yaalla gobalka oo magac ahaanba (Gardafuu) loogu bixiyay raasiga, waana mid kamid ah meelaha ugu istiraajisan ee gobalka Geeska Africa. in loo saxiixo Imaaraadka Carabta saldhig milateri oo ku yeelanayo gobalkan ayaa ka dhigan hardan cusub oo ka bilaabanaya gobalka.