VIDEO: Culimada Puntland oo dulmi ku tilmaamay duullaanka Somaliland ee Laascaanood

War-saxaafadeed kasoo culimada Soomaaliyeed ku dhaqan ee deegaannada Puntland ayaa lagu sheegay in dagaalka ka soconaya Laascaanood uu yahay dulmi, iyagoo taageeray in la tixgeliyo rabitaanka shacabka SSC.

Shir ay isugu yimaadeen culimada oo ka dhacay Boosaaso ayaa loogu baaqay maamulka Somaliland in uu ciidamadiisa kala baxo Laascaanood, si loo dhaqangeliyo xabad-joojinta uu horey ugu dhawaaqay.

“Waxay culimada Puntland soo dhaweynayaan Xabad-joojinta ay ku dhawaaqday Somaliland, haddaba si ay u hirgasho waa in Somaliland ay ka dulqaado ciidankeeda Laascaanood, lana tixgaliyo rabitaanka Shacabka.”

Culimada Puntland ayaa u soo jeedisay Dawladda Federaalka Soomaaliya in ay qaadato doorkeeda, si loo joojiyo colaada ka soconaysa Laascaanood. Waxaana dhanka kale ay ugu baaqeen shacabka Soomaaliyeed in gurmad deg-deg ah lala garab istaago dadka kasoo qaxay dagaalka Laascaanood ee dhibaateysan.