VIDEO: Sidee kusoo bilowday dhismihii kooxda Al-Shabaab ?

Sheekh Cali Maxamuud Xassan (Cali Wajiis), ayaa ka warbixiyay dhismihii kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyo qorshayaashii isku huursanaa ee Axmed Cabdi Godane, Aadan Xasan Ceyrow iyo Ibraahim afqaan ku dhex wateen Isbaheysigii Maxaakiibta ee uu hoggaamin jiray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.

Wareysi uu bixiyay Sheekh Cali Wajiis oo ah La-taliyaha Madaxweynaha DFS ee arrimaha Diinta, ayuu sidoo kale sharaxaad ka bixiyay doorkii Al-Qaacida ay ku laheyd aasaaska Al-Shabaab, iyo afkaarta kooxdan ku dhisan tahay ee ah in ‘cabsi gelin lagu maamulo dadka’.

Sidoo kale, Sheekh Cali Wajiis ayaa dhaliilay habka dawladda Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud u wajahday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka curtay goballada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.