Ciidanka Somaliland oo duqeymo ka wada Laascaanood + Sawirro

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa maalintii 12aad duqeymo ka wada magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kuwaas oo ay la beegsanayaan guryaha shacabku degan yihiin, isbitaalada iyo masaajidada ku yaalla Laascaanood.

Duqeymaha maanta ayaa bilowaday daqiiqado kooban kadib markii Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay Hargeysa, uu sheegay in aysan ciidamadiisu geysanayay duqeymaha Laascaanood, balse ay ka dambeeyaan kooxo argagixiso ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in duqeymaha maanta ay ku dhaceen guryo, kuwaas oo gubtay kadib markii dab ka dhashay duqeymaha uu qabsaday. Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada aayaa sidoo kale muujinaya dhawaqa madaafiicda iyo uur ka baxaysa gudaha Laascaanood.