Ra’iisul Wasaare Xamze oo Guddi u magacaabay dhul-gariirkii Turkiga + Akhriso

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre ayaa u magacaabay Guddi qaran gurmadka dadkii waxyaaladu kasoo gaartay dhulgariirkii ka dhacay dalka Turkiga.

Waraaq kasoo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamze Barre ayaa lagu sheegay in Guddiga oo ka kooban 11 xubnood, ay ka shaqeyn doonaan garab istaaga iyo gurmad loo sameyn doono shacabka iyo dawladda Turkiga.

Magacaabista Guddiga Xamze Cabdi Barre u magacaabay gurmadka dhul-gariirkii ka dhacay dalka Turkiga, ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay loogu baaqayay DFS inay u gurmato dadka waxyeeladu kasoo gaartay iyo kuwa ku barakacay duullaanka maamulka Somaliland ku qaaday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, baaqaas oo uusan ka jaawabin Ra’iisul Wasaaruhu.