Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirka amniga gobalka Mudug ?

Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ayaa yeeshay shirka todobaadlaha ah ee amniga ee degmada Gaalkacyo shirkaas oo uu shirgudoominayay Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yusuf shirkaas oo dhaca maalinwalba oo Khamiis ah.

Shirkaas oo uu maantay La qaatey Taliyayasha Saldhigyada policeka,CID, Taliyaha Laanta Canshuuraha ,Taliyaha ilaalada wadooyinka laamaha Amniga Gobolka Mudug ayaana looga hadlayay dardar galinta Amniga Ilaalinta wadooyinka xaaladihii Amni ee udanbeeyey Magaalada Gaalkacyo iyo sidii loo dardargalin lahaa Howlgalada Amni ee Magaalada.

Ugu danbeyna Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug G/Sare Maxamuud Cabdixakin Yusuf ayaa kula dardaarmey Sarakiisha inay dardargaliyaan sugida amniga iyo xariirka bulshada ay la leeyihiin.