VIDEO: Biixi oo sheegay in aysan Duqeymo ka wadin Laascaanood!

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlayay xaalada magaalada Laascaanood oo duullaan ay ku qaadeen ciidamo uu kasoo aruuriyay deegaannada Beeshiisa (Isaaq), iyo duqeymaha aan loo meel dayin ee ay ka geysanayaan xarunta gobalka Sool.

Isagoo ka hadlaya kulan ka dhacay Madaxtooyada Hargeysa ayuu Muuse Biixi, inkiray in ciidamada maamulkiisu ay duqeymo ka wadaan Laascaanood.

“Maanta wixii Siyaad Barre u gaystay shacabka Somaliland iyo Hargeysa in aannu cid u gaysanno nalagama filayo” ayuu yiri Muuse Biixi, waxaana uu intaa ku daray in kooxo argagixiso ah oo ay la dagaalamayaan ay geysanayaan duqeymaha!.

Isimadda dhaqanka SSC ayuu ugu baaqay Biixi inay qaataan nabadda iyo wadahadal, isagoo sheegay in dhankooda ay u dirayaan Sool isimo ka socda (Isaaq ah) si ay ula kulmaan dhigooda SSC.

Hadalka Muuse Biixi ayaa imaanaya xilli magaalada Laascaanood ay maanta ku dhacayeen duqeymo aan loo meel dayin, kuwaas oo magaalada ay ku garaacayaan ciidamadiisa, oo la sheegay in looga adkaaday dagaalada tooska ahaa.