VIDEO: Danjire Larry “Maalmahan waxaan ku mashquulsanahay dagaalka Laascaanood”

Safiirka Dawladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André ayaa sheegay in maalmahan uu ku mashquulsanaa xaalada dagaal ee Laascaanood, oo sida uu xaqiijiyay ay ku dagaalamayaan maamulka Somaliland iyo dadka deegaanka.

Danjire Larry André ayaa sheegay in sidoo kale ay hayaan cadeymaha cida weerarka kusoo qaaday magaalada, ee gashay dembiyada ka dhanka ah rayidka, ayna soo bandhigi doonaan xilligeeda.

“Laascaanood waxa ku diriraya Somaliland iyo dadka deegaanka. Waqtigeeda ayaa la soo bandhigi doonaa cidda weerarka qaadday, ku horreysay, cidda galaysa dembiyo gaar ah oo ka dhan ah rayidk, maalmahan dhan iyada ayaan ku mashquulsanahay” ayuu yiri Danjire Larry oo wareysi siiyay Dalsan TV.