Ciidamada Maraykanka iyo kuwa PSF oo dhoolatus kuwada samaynaya Xeebta Bosaso

Dhoolatus u ah garab weyn ayay Maraykanku la sameeyeen Urur ka mid ah Ciidamada PSF .

Markab weyn iyo Helipcobtaro,ayaa Xeebta Bosaso yimid,waxayna salaan ka qaateen Ciidamada PSF oo si heer sare ah udiyaarsan kana muuqaal iyo xoog badan Afar sano ka hor.

Dhoolatuska kadib Taliska Ciidamada PSF,waxaa kulan ku leh Agaasimaha PSF iyo Madaxda Maraykanka.

Sida muuqata imaanshahan Madaxweyne Deni lama wargelin lagumana tixgelin,iyadoo dhoolatuska iyo kulamadu ka socdaan Xarun kasoo horjeeda Madaxtooyada Bosaso.

Madaxweyne Deni meel walba dacwad waa ka geeyay PSF xataa gurmadka Sool,ayuu ka carooday,balse waxba kama badalin heshiiskii PSF iyo Maraykanka oo dib,ayay ubilaabatay wada shaqayntoodii.

Maraykanku waxay horay ugu sheegeen Deni in ay ilaalinayaan nidaamka Puntland oo ay kula shaqaynayaan hogaanka PSF wareegtadii isagu dib ugu magacaabay.

Weli waa ku sugan yihiin Saraskiisha iyo Ciidamada Maraykanku Taliska PSF ee Bosaso.

Jibril Qoobey.