Imaaraadka iyo Xasan Shiikh oo isla fahmay qorshe Deni ka dhan ah

Imaaraadka Carabta,ayaa ku adkaystay in Mashruucii lagu tababarayay 15-ka Kun ee Askari iyo Saldhiga aan laga leexin Puntland.

Balse waxay ka aqbaleen Madaxweyne Xasan in aan la bilaabin xiligan oo lala sugo inta Doorashada Madaxtooyo ee Puntland ay dhacayso.

Deni,ayaa ku adkaystay in isaga lasoo marsiiyo Lacagta lagu maalgelinayo Mashruucaas oo iskugu jira Saldhig iyo tababar Ciidan.

Halka Xasan Shiikh dhankiisana ku adkaysanayo in Wasaarada Gaashaandhiga la hoos keeno ama Xamar loosoo wareejiyo.

Imaaraadka oo umuuqda in uu isku keeni waayay Labada dhinac,ayaa xalbiday si aysan PL ulumin Mashruuca in Deni mudo xileedkiisa inta uga hartay la hakiyo Mashruuca.

Sida ilo xog ogaal ah xaqiijinayaan Xasan waa aqbalay soo jeedinta Imaaraadka ee ah ” Aan sugno hogaamiye aad isla fahmi kartaan wax badan bal in uu yimaado Madaxtooyada PL”.

Madaxweyne Deni,waxaa uga harsan mudo xileedkiisii 10-Bilood si rasmi ah,balse Bisha 6-Aad waxii ka danbeeya,waxaa istaagaya awoodihiisa intooda badan.

Jibril Qoobey.