Video+Sawirro: Ciidanka Puntland oo fashiliyay qaraxyo la dhigay Balli-dhidhin

Laamaha Amniga Puntland,ayaa fashiliyay qaraxyo waa weyn oo ay diyaarisay argagixisada, kaas oo la dhigay degmada Balli-dhidhin ee Gobalka Bari.

War kooban oo uu baahiyay Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari,ayaa lagu sheegay in ku guuleysteen fashilinta qaraxa, kadib markii ay gacan ka heleen shacabka Balli-dhidhin.

“Cidanka amaanka iyo Dadka Deegaanka Degmada Balidhidin oo is Garab Sanaya,ayaa Fashilyey Qaraxyo waawayn oo loogu talagalay in wax Lagu yelayo Bulshada reer Puntland ee ku dhaqan Degmada Balidhidin.”