VIDEO: Muxuu Ra’iisul Wasaare Xamze ka yiri xasuuqa Somaliland ee Laascaanood ?

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, oo ay duullaan ku qaadeen ciidamada maamulka Somaliland.

Isagoo ka hadlayay kulan gurmad loogu aruurinayay Turkiga oo xalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado.

“Xabbad-joojintii dowladda Somaliland ee Laascaanood waan soo dhoweynaynaa, si ay u hirgashona waa in ciidanka laga fogeeyo dadka cadhaysan, dadka deegaankuna ha aqbalaan wada-hadal oo tabashadooda nabad haku raadsadaan.”