Biden oo lagu cadaadinayo in diyaaradaha F-16 u diro Ukraine

Wefti Maraykan ah oo ay ku jiraan illaa 50 xildhibaan ayaa ka qayb galay furitaanka kulanka caalamiga ah ee loogu magac daray kulanka shirka amniga ee Munich, kaas oo socon doona muddo saddex maalmood ah. Masuuliyiinta Maraykanka ayaa doonaya inay muujiyaan taageerada ay u hayaan Ukraine.

Afar wefti oo ka kala socda xisbiyada Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga oo ay ku jiraan xildhibaanada Seneteka iyo aqalka hoose ee Wakiilladda ayaa ku biiray boqollaal siyaasiyiin ah, saraakiil milateri iyo diblomaasiyiin ka kala yimi daafaha caalamka, kuwaas oo ka doodaya arrimaha ammaanka ee caalamka.

Masuuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in weftiga Maraykanka ka socda uu yahay, kan ugu ballaadhan ee ka qaybgalay shirkaas, tan iyo markii la bilaabay sannadkii 1963-kii.

Duulaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukriane ayaa xoojiyey isbahaysiga NATO, Midawga Yurub iyo xataa xubnaha congresska Maraykanka ee ka kala socda labada xisbi.

Xildhibaano ka tirsan labada xisbi ee Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga ayaa ku cadaadinaya madaxweyne Biden inuu si toosa ugu diro dalka Ukraine, diyaaradaha F-16. Shan xildhibaan oo waraaq u diray Biden ayaa ku booriyey madaxweynaha, sida ay ogaatay jariidadda Politico, hase ahaatee xukuumaddu illaa haatan go’aan kama qaadan arrintan.

Shirka ammaanka ee Munich ayaa madaxda caalamku ay kaga doodaan, qodobada muhiimka ah ee taabanaya ammaanka caalamka iyo kuwa gobollada.

WArbixintan qaybo ka mida waxaa laga soo xigtay AP, AFP iyo Reuters.