Madaxweyne Deni oo maanta ku wajahan Xaafuud, xilli Mareykanka uu kala kulmay Dhabar-jab.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ku wajahan degmada Xaafuud ee gobalka Bari, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono maamulka, waxgaradka iyo dadka deegaanka.

Diyaarad gaar ah ayaa Siciid Cabdullaahi Deni ka qaadi doonta xarunta gobalka Bari ee Boosaaso oo todobaadyadii u dambeeyay ku sugnaa, isagoo ka degi doono garoonka diyaaradaha Xaafuun, oo kamid ah magaalooyinka istiraatiijiga ah ee dhaca xeebaha Bari ee Puntland iyo marin biyoodka caalamiga ah Raas-caseyr.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxweynuhu uu u sii gudbi doono deegaanno hoostaga degmada Xaafuud oo ay kamid tahay Hurdiya. Booqashada Xaafuun ee Madaxweyne Deni ayaa imaanaysa xili maalmo kahor uu booqasho ku tagay degmooyinka Caluula, Murcanyo iyo deegaano kale oo kamid ah gobalka Gardafuu.

Siciid Deni ayaa doonayay in degmooyinka uu booqanayo ay saldhigyo milateri ka sameystaan ciidamada Imaaraadka Carabta, balse waxaa qorshahaas gaashaanka u daruuray ugana digay Mareykanka.