Maxaa kasoo baxay kulankii Deni & Isimadda Bari ee xaalada Laascaano ?

Isimadda beelaha Dashiishe, Cali Saleebaan iyo Ugaas Saleebaan ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Kulanka oo ka dhacay hoyga Siciid Deni ka degan yahay saldhigga ciidamada PMPF Puntland ee Boosaaso ayaa looga hadlay siddii Xukuumadda Puntland gurmad u fidin laheyd shacabka Somaliland ku xasuuqayso magaalada Laascaanood.

Saddex isim ayaa la wadaagay Hoggaamiyaha Puntland in ay diyaariyeen ciidamo garab u noqda, kana barbar dagaalama dadka Sool, iyagoo weydiiyay waxa uu ku taageeri karo.

“Ciidan,ayaan isku hagaajinay oo rabnaa in aan dirno,waxna way haystan waxna way u baahan yihiin ee maxaa noogu daraysaa?” Ayay ku yiraahdeen Isimadu Madaxweyne Deni, sida uu inoo xaqiijiyay mid kamid ah xubnaha ka agdhaw Isimadda.

Siciid Deni ayaa la sheegay in uu si caro leh ugu jawaabay Isimadda u tagay, si cadna u sheegay in dagaalka Laascaanood uusan geli doonin.

“Anigu dagaal gali mahayo,dagaalna diyaar uma ahi, doorasho ayaan wadaa, dagaal iyo doorashana isku meel ma galaan ee doorashada hadiinaan aadayn,dagaal aadi mahayo” ayuu yiri Deni.

Isimadda ayaa aad uga carooday jawaabta uu siiyay Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo isaga soo dareeray kulanka oo waxyar socday, waxaana ay hada bilaabeen in ay abaabul beeleed oo xooggan galaan.