Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari oo ku dhaawacmay Is-rasaaseyn

Taliyaha Qeybta Booliska gobalka Bari, G/Sare Cabdulqaadir Jaamac Dirir ayaa ku dhaawacmay is-rasaaseyn culus oo maanta dhexmartay ciidamada Booliska iyo shacab careysan.

Is-rasaaseynta ayaa timid kadib markii Booliska gobalka Bari ay dumin ku bilaabeen guryaha shacabka ee ku dhow agagaarka dekedda Boosaaso, oo dhowaan uu Guddi u saaray Madaxweynaha Puntland baneyntooda.

Shacabka ayaa ka horyimid go’aanka Xukuumadda Siciid Deni ee baneynta iyo guryaha ay lahaayeen, iyagoo saaka is-difaaca kala hortagay Booliska gobalka Bari iyo gaadiidka cagafta dawladda hoose ee Boosaaso oo u socday duminta guryaha.