Dagaal culus oo ka soconaya Laascaanood

Dhawaqa noocyada kala duwan ee hubka culus ayaa saaka laga maqlayaa magaalada Laascaanood ee caasimadda gobalka Sool, kadib markii aroornimadii hore uu dib u bilowday dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC.

Dagaalka ayaa galay maalintii 15aad oo xiriir ah, waxaana Somaliland magaalada la dhacaysaa madaafiicda aan loo meel dayin kuwaas oo lala beegsanayo guryaha shacabka, isbitaalada iyo masaajidada Laascaanood.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalka soconaya saaka.