Himilo Qaran oo ka digay muddo kororsiga Madaxda DFS iyo Dawlad Gobaleedyada + Akhriso

Xisbiga Himilo Qaran oo uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Sheekh Sharif ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada inay dhowraan sharciga, kana dheeraadaan muddo kororsi horseedi kara jahwareer iyo qalalaase siyaasadeed.

Shiikh Shariif oo ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Barlamanka Soomaaliya ayaa sida la rumeysan yahay aan weli ka qayb galin fadhiyada Barlamanka tan iyo intii uu bilaabey shaqooyinkiisa.