Maxaa looga hadlay Shirka Guddiga Amniga gobalka Mudug ? + Sawirro

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Faysal Sheikh Cali ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudug ayaa shirgudoomiyey shirka 7aad lahaa ee Gudiga Amniga Gobolka Mudug.

Shirka waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Gobolka Xasan Cabdulaahi warsame, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka, Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada Gobolka, Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka, Taliyaha Ciidanka Asluibta Gobolka.

Shirka ayaa looga hadlay qodobada kala ah
1. Qiimaynta qorshihi iyo Amaradii Shirkii 7aad kii hore.

2. Ansixinta qorshaha Amni ee Dagmooyinka Gobolka Mudug.

3. Ugu danbayna waxaa looga hadlay xalinta khilaafaadka beelaha Gobolka wada Dega.