Maxkamadda Ciidamada oo xabsi 15 sano ah ku xukuntay sarkaal gacansaar la lahaa Al-shabaab

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Cabdicasii Xuseen Nuur Mursal oo ah xiddigle ka tirsan ciidanka, isla markaana lagu helay inuu gacaan-saar la lahaa maleeshiyada Al-shabaab.

Sida ay qortay warbaahinta dowladda, Cabdicasiis oo 63 jir ah oo laga soo qabtay gudaha wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Al-shabaab u gudbin jiray xogta Ciidanka xoogga dalka.

Sababata ku kalliftay inuu Al-shabaab la shaqeeyo ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay markii ‘uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan-gelinta Ciidamada loo helay xidig sax ah’ taas oo uu ka carooday.

“Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xirtay Alshabaab, waxaana hay’adaha baarista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ogaadeen in Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab.” sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Kiiska sarkaalkan ayaa dawcaddiisu soo socotay tan iyo 22-kii bishii hore ee January.