Ciidamo ka socda G. Mudug oo ku wajahan Laascaanood

Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, ayaa kaga adkaaday Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wasiirka Maaliyadda Puntland qorshe uu gurmad ugu aruurinayay Laascaanood, kaas oo ay diidanayeen.

Siciid Deni iyo Wasiirkiisa Maxamed Dhabancad ayaa xiriiro ka dhan ah abaabulka ciidan ee Islaan Bashiir, la sameeyay saraakiisha ciidamada Puntland ee gobalka Mudug, waxaana ay ka dalbadeen in aan wax ciidamo iyo hub laga saari karin xeryaha, taas oo si adag ay saraakiishu uga hortimid.

Saraakiisha ayaa ku wareejiyay Islaan Bashiir Ciidamo, gaadiid dagaal iyo Saad uu ka dalbaday si ay qeyb uga noqdaan howlgalka xoreynta gobalka Sool, kuwaas oo hadda loo diyaarinayo in ay ambabaxaan.

Ilaa 30 gaadiid dagaal ah iyo Guuto ciidamo la isku dhafay ah ayuu diyaariyay Islaan Bashiir, waxaana jiro dhaqaale badan oo ay soo gaarsiiyeen ganacsato iyo kuwa ballanqaadyo sameeyay.