Ciidamo ku dagaalamay bartamaha Garoowe

Inta la xaqiijiyay hal ruux ayaa ku geeryooday iyo dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaal kooban oo habeenimadii xalay ka dhacay bartamaha caasimadda Puntland ee Garoowe.

Iska hor imaadkan ayaa dhexmaray ciidamo katirsan Booliska gobalka Nugaal iyo Askarta Taliyaha ciidamada la-dagaallanka argagixisada Puntland, Gen. Muxyadiin Gacmeey. qofka geeryooday ayaa ahaa shacab iyo halka kuwa dhaawacmay ay isugu jireen askar iyo ciidan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in iska-hor imaadkan uu yimid kadib markii ciidanka Boolisku isku dayeen in ay qori uu watay ka qaadaan askari katirsan ciidamada Muxyadiin Gacmeey. Falalka ammaan-darro ee noocan ah ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayay caasimadda Puntland ee Garoowe.