Diyaaradda ET Boeing 737-700 oo duulimaadyo ka bilowday Puntland + Sawirro

Shirkadda diyaaradaha caalamiga ah ee Ethiopian Airlines oo duulimaadyo ka sameysa garoomada diyaaradaha Puntland ee Garoowe iyo Boosaaso ayaa soo kordhisay mid kamid ah diyaaradaheeda waa weyn.

Diyaaradaha ay soo kordhisay shirkadda Ethiopian Airlines ayaa ah diyaaradda ‘ET Boeing 737-700, taasoo markiiba qaadi karta 120-qof.

“Diyaaradda ET Boeing 737-700 oo rakaab ah ayaa maanta duulimaad toos ah ka bilowday Boosaaso & Garoowe kuna sii jeeday Addis Ababa iyadoo qaadka ugu badan tahay 120 rakaab ah maalintii” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay shirkadda Ethiopian Airlines.

Tallaabadan ayaa timid kadib koror ku yimid dadka ka baxay garoomada diyaaradaha caalamiga ah ee Boosaaso iyo Garoowe, bilihii ugu dambeeyay.