Maamulka Somaliland oo war kasoo saaray dagaalka Laascaanood + Akhriso

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Somaliland ayaa looga hadlay dagaalka saaka ka soconaya magaalada Laascaanood ee gobalka Sool, kaas oo yimid kadib markii ay weerar ku qaadeen magaalada aroornimadii, balse ay is difaac adag kala kulmeen ciidamada deegaanka ee SSC.

Somaliland ayaa sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeeda si looga hortago ergo nabadeed oo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi u soo diray gobalka Sool, balse ay ciidankoodu is difaaceen.!

Halkaan hoose ka Akhriso warka kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo ka duulaysa xabad joojintii ay ku dhawaaqday, taageeraysana Ergada Nabada ee sugan Gobolka Sool, kuwaasoo ka kooban Madax Dhaqameedka Somaliland, ayna muuqato rajo fiican oo laga qabo in guul laga gaadho colaada Magaalada Laascaanood.

Hadaba si ay isu hortaagaan hirgelinta nabada iyo xabad joojinta ayay saaka kooxo hubaysani weerar ballaadhan ku soo qaadeen fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan Magaalada Laascaanood, Ciidanka Qaranka ayaa iska difaacay weerarka lagu soo qaaday.

Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyagoo fulinaya xabad joojintii Xukuumaddu ku dhawaaqday awgweed waxay ku jiraan isdifaac, marnaba Ciidanka Qaranku weerar maaha.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku celinaysaa in loo hogaasamo xabad joojinta, lana aqbalo Ergada Nabada ee ku Sugan Gobolka Sool.