Wararkii ugu dambeeyay ee dagaal ka soconaya Laascaanood

Dagaal culus ayaa maalintii 16aad ka soconaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kadib weerar aroornimadii hore ee saaka ay kusoo qaadeen ciidamada Somaliland oo doonaya in ay dib u qabsadaan magaalada.

Dhawaqa Madaafiic culus ayaa si weyn looga maqlayaa gudaha magaalada iyo nawaaxigeeda. Somaliland ayaa si aan loo meel dayin ula dhacaysa madaafiicda xaafadaha shacabka, isbitaalada, masaajidada iyo goobaha waxbarashada ee ku yaalla Laascaanood.

Khasaare xooggan ayaa durba lasoo warinayaa in uu ka dhashay dagaalka ka soconaya Laascaanood, wallow aan si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay.