Akhriso: DFS oo shirkad gaar ah u xirtay VISA-ha Kenya

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Global Tour and Travel Services u xirtay VISA-ha dal ku galka dalka Kenya.

Waraaq kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS ayaa lagu ogeysiiyay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya in VISA-ha dalkaas ay soo saari karto shirkadda oo la sheegay inuu uu leeyahay mid kamid ah saaxiibada siyaasadda ee ka agdhow Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuuud.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa la sheegay in aysan waxba ka ogeyn arrintan, sida aan ka soo xiganay Saraakiil ka tirsan Safaaradda.