Akhriso: Goormee diiwaangelinta cod-bixiyayaaashu ka bilaaban gobalka Mudug ?

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa shaaciyay waqtiga rasmiga ah ee ay ka bilaabanayso diiwaangelinta cod-bixiyayaaasha doorashooyinka qof iyo codka ah gobalka Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga TPEC ayaa lagu sheegay in 28 February ilaa 12 March, la qaban diiwaangelinta cod-bixiyayaaasha doorashooyinka dadweynaha ee gobalka Mudug, waxaana ay ugu baaqeen muwaadiniinta ku dhaqan gobalkaas in ay is diiwaangeliyaan.