Dagaalka Laascaanood oo galay todobaadkii 3aad

Dagaal culus ayaa aroornimada saaka ah dib uga bilowday magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, waanna maalintii 17 oo uu soconayo duullaanka maamulka Somaliland ay ku qaadeen magaalada si ay dib ugu qabsadaan.

Dagaalka socda oo galay todobaadkii saddexaad ayaa yimid kadib markii ciidamada Somaliland ay weerar kusoo qaadeen magaalada, iyagoo difaac adag kala kulmay ciidamada deegaanka ee SSC.

Daryanka madaafiicda ayaa laga maqlayaa magaalada, kuwaas oo si aan loo meel dayin ciidamada Somaliland ugu soo tuurayaan Laascaanood.

Faahfaahino dheeraad ah kala soco Idilnews