Ingiriiska oo hor istaagay fadhi uu ka yeelan lahaa Golaha Amaanku xasuuqa Laascaanood

Qorshe ku saabsan dagaalka Laascaanood oo talaabo looga qaadi lahaa Maamulka Somaliland,ayaa waxaa hor istaagay Dowlada Ingiriiska.

Kulan la rabay in ay yeeshaan Xubnaha Golaha amaanka ee Qaramada midoobey laguna horgayn lahaa xasuuqa Shacabka Laascaanood,ayaa Ingiriisku codsaday in dib loo dhigo.

Taa badalkeeda Ingiriisku,waxuu soo jeediyay in arinka Laascaanood lagu xalin karo Gacmaha Somalida oo xal Somaliyed loo heli karo.

Qaraarkan,waxaa dabada ka riixayay Dowladaha Maraykanka iyo Shiinaha,balse soo jeedinta Ingiriiska,ayaa wax badashay.

Diidmada Uk waa mida keentay in luuqad aan ku filnayn xasuuqa Shacabka Laascaanood ay ku hadlaan Beesha Caalamka.

Ingiriisku waxuu ka duulayaa dano Siyaasadeed oo isaga ugaar ah.

Jibril Qoobey.