Madaxweyne Xasan oo si qarsoodi ah ugu safray Dubai + Ujeedada

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar qarsoodi ah ku tagay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo ka amba-baxay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa oo uu uga qeybgalay shirka Golaha Midowga Afrika.

Idilnews ayaa ogaatay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu u tagay Dubai arrimo caafimaad, waxaana ku wehlinaya safarka xubno kamid ah qoyskiisa.

Waa socdaalkii saddexaad ee uu Xasan Sheekh KY tago Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay 15-May, 2022.