VIDEO: Garaad Jaamac oo shaaciyay in 150 lagu dilay duullaanka Somaliland ee Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali, ayaa ku dhawaaqay in 150 qof ay ku dhinteen, in kabadan 500 oo qofna ay ku dhaawacmeen duullaanka maamulka Somaliland kusoo qaaday magaalada Laascaanood ee gobalka Sool.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Laascaanood, Garaad Jaamac ayaa xusay in ciidamada Muuse Biixi ay burburiyeen xaafaddaha kala duwan ee Laascaanood, goobihii caafimaadka iyo masaajidadii magaalada.