Akhriso: Hay’adda Duulista Rayidka ah ee DFS oo digniin soo saartay

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ( HDRS), ayaa fartay in la joojiyo dhammaan isku dayada lagu bur burinaayo jiritaanka hay’adda iyo madax bannaanideeda, taas oo laga leeyahay dano gaar ah.

Waraaqda kasoo baxday Hay’adda Duulista Rayidka ah ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka raba in ay ku xad gudbaan madax bannaanida hay’adda ay gacan ka helayaan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee XFS.