Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan gobalka Mudug, kadib diidmada Juxa & Dhabancad

Xubnaha Golle Wasiiro ah oo uu amray in ay tagaan gobalka Mudug, Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa diiday in ay aadaan gobalkaas, iyagoo u sheegay in aysan tagi karin, maadama aysan isku wanaagsaneyn isimadda dhaqanka iyo waxgaradka Mudug.

Wasiirada oo ay kamid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Juxa iyo Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ah Wasiirka Maaliyadda Puntland, ayaa xusay in isimadda gobalka Mudug aysan isku wanaagsaneyn iyaga, ayna tabasho ballaaran ka qabaan isaga (Madaxweynaha). Waxaana ay u soo jeediyeen in uu isagu tago gobalka oo ah mid xasaasi ah, aysana hadda ka jirin diidmo ballaaran oo la xiriirta diiwaangelinta.

Dhanka kale, Wasiirada Cadaaladda iyo Haweenka Puntland ayaa gaaray qeybo kamid ah gobalka Mudug, waxaana ay bilaabeen kulamo ay la yeelanaya bulshada.

Idilnews, ayaa heshay xog sheegaysa in Madaxweyne Deni uu go’aansaday in uu u safro gobalka Mudug, isagoo bilaabay xiriiro khadka taleefoonka ah oo uu la sameynayo isimadda dhaqanka gobalka Mudug, oo qaarkood ka qaban waayeen taleefoonka.

Gobalka Mudug ayaa laga bilaabayaa diiwaangelinta cod-bixiyayaasha 28ka bishan Febaury, sida uu shaaciyay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland, balse Guddiga TPEC ayaa ka deyriyay habka wadashaqeynta maamulka gobalka Mudug iyo maamulada degmooyinka oo dad aan saameyn laheyn hoggaaminayaan.