VIDEO: Dr. Gaas “Argagixisadu waa Somaliland, taas anagaa cadayn u hayna”

Madaxweynihii hore ee Puntland ahna Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaciyay in ay hayaan cadeymo muujinaya in maamulka Somaliland uu wada shaqeyn ballaaran la leeyahay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab.

Cabdiweli Gaas ayaa xusay in intii uu ahaa Madaxweynaha Puntland ay aruuriyeen warbixino badan oo la xiriira wadashaqeynta Al-Shabaab iyo Somaliland, sida taageerada ay siiso maleeshiyaadka al-shabaab ee ka dagaalamaya buuraleyda Puntland.