Beelaha Daarood Ee Gobolka Mudug oo udiray Laascaanood Ciidan iyo Hub door ah

Ku dhawaad 25-Gaadiidka dagaalka ah iyo Ciidan gaaraya 400 oo Askari,ayaa uruqaansaday Laascaanood oo uu ka socdo dagaal udhaxeeya Dadka Shacabka ah iyo Ciidamada Somaliland

Ciidamadan,ayaa kasoo anba baxay Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug,waana Ciidamo Beeleedyo ay soo abaabuleen Beelaha Daarood ee Gobolkaas ku dhaqan.

Islaan Bashiir,ayaa si gaar ah iskugu soo dabariday Ciidamadan,isagoo ka jawaab celinaya codsi uga yimid Garaadada reer Sool.

Ciidamadan oo galabtay ka anba baxay Gaalkacyo,ayaa horudhac u ah Ciidamo kale oo maalmaha soo socda u anba bixi doona Laascaanood.

Beelaha Daarood ee Gobolka Mudug waxay kaloo ku garab istaageen Shacabka Laascaanood ee isdifaacaya dhaqaale gaaraya ku dhawaad Nus Milyan dolar.