Deni oo soo cayriyay Ergedii Beesha Bah-gareen Ee wada xaajoodka Guryaha

Madaxweyne Deni waa soo cayriyay ergedii Beesha Bahgareen ee ay kawada xaajoonayeen duminta Guryaha Bosaso.

Waxaa utagey Madaxweyne Deni Gudi 21-xubnood ka kooban oo iskugu jira Odoyaal,Aqoon-yahan iyo dhalinyaro oo kasocda Beesha Bah-gareen.

Si macquul ah ayay ula hadleen oo uhogo tusaaleeyeen ugagana sheekeeyeen taariikhda Guryahan.

Xaafada hoose ee Bosaso,waxaa ku yaal Daarihi looga talin jiray Magaalada sida..

1 Daartii Boqor Cismaan.
2.Daarti Governatore Italian protectorate.
3. Saldhigii Police-ka
4.Dekadii
5.Xaruntii Netfish.

Balse nasiibdaro waxuu ugu jawaabay si kooban….

“Xaafada waan duminayaa oo Oromo,ayaa qurmisay”.

Culayska ugu weyn,waxuu ka imaan doonaa markii Odayga la dilay Wiilashiisu hab Qabiil wax uraadsadaan.