Akhriso: Puntland oo baaq u dirtay Somaliland

War-saxaafadeed kasoo baxay Dawladda Puntland ayaa loogu baaqay maamulka Somaliland in uu joojiyo weerarada iyo gumaadka shacabka Laascaanood, ee diidan gooni-goosadka.

Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Dagaalka gumaadka ah ee uu maamulka Somaliland ka wado magaalada Laascaanood waxa uu u dhaxeeyaa: Dadka deegaanka oo ka gadooday Dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kale-gedisan iyo maamulka Somaliland oo doonaya in ay qori caaraddiis ugu khasbaan mashruucooda gooni-goosadka ah, una hor istaagaan rabitaanka shacabka oo ah in ay qayb ka noqdaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Gumaadka ay ciidamada maamulka Somaliland ka wadaan magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada waxaa ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho, dhaawac, qax iyo burbur hantiyeed intaba. Sida la xaqiijiyey waxaa ku dhintay Dad ka badan 200 oo qof, waxaa ku dhaawacmay in kabadann 500 oo qof, waxaa dalka guduhiisa ku barakacay in ka badan 185,000 oo qof iyo 80,000 oo qaxooti ku noqday Dalka Ethopia.

Guddiga gurmadka arrimaha Bini’aadantinimo ee Gobolka Sool waxa uu ku baaqayaa:-

1. In hay’adaha samafalka iyo kuwa caalamiga ahba ay gacan bini’aadantinimo ka gaystaan sidii gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ka barakacay magaalad Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada.

2. In aan la carqaladayn, lana siyaasadayn dadaalka bini’aadannimo ee socda oo aan wax shuruud iyo xannibaad ah midna lagu xirin dhaqdhaqaaqa gargaarka.

3. In dadka Reer Puntland ay labo-jibaaraan gurmadka iyo taakulaynta arrimaha bini’aadantinimada ee socda, loona fududeeyo adeegyada arrimaha bulshada, si gaara ardayda soo barakacay waa in iskuulada loo ogolaada bilaa shuruud.

4. In qiimayn dhab ah lagu sameeyo waxyeelada iyo baaxadda khasaaraha dagaalka ka dhashay, loona diro Hay’ado iyo guddiyo madax bannaan oo caalami ah (independent fact-finding mission) oo xaqiiqo raadin ah.

5. Waxaan maamulka Somaliland ugu baaqaynaa in ay joojiyaan weerarka yo gumaadka ay ku hayaan dadka shacabka ah, ciimadoodana kala baxaan guud ahaan Gobolka Sool, si gurmadka bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka deegaanka.

6. Marnaba qori caaraddiis iyo jajuub laguma joojin karo kacdoon iyo rabitaan bulsho, dadka deegaankaasina waxay xaq u leeyihiin in iyaga oo xor ah oo nabad ah ay go’aan masiiri ah ka gaaraan aayahooda iyo rabitaankooda bulsho.

DHAMMAAD.